Raisulwasaare Kheyre Waxaan Go,aansaday in xilka iska Casilo

July 25, 2020 - Written by Editor

Ra’iisul wasaarihii xukuumadda DFS Xasan Cali Kheyre ayaa caawa shaaciyey in uu aqbalay kalsooni kala noqoshadii ay xukuumaddiisa maanta ku sameeyeen xildhibaanada goalah shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, sida uu sheegay guddoomiyaha golaha Maxamed Mursal. wuxuu yiri.

“Aniga oo og In waxii maanta golaha shacabka ka dhacay ay ahaayeen sharci darro, loona marin habraacii saxda ahaa ee xil ka qaadis xukuumadeed, In xitaa aanay ajandaha ku jirin, in aanay waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka, Haddane waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilka aan ummadda Soomaaliyeed u hayay, aniga oo dhowraya midnimada dalka iyo inaan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato. Si aan ugu turo shacabka Somaaliyeed, qaybna uga noqon Khalkhal iyo dib u dhac siyaasadeed, mid dhaqaale, amni iyo bulsho.”

Halgan.net
Muqdisho

Comments are closed.