Wasaaradda Waxbarashada ee PL oo bilowday sixitaanka imtixaanka fasallada 12aad ee dugsiyada sare ee 2019-2020

July 25, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa bilowday sixitaanka imtixaanaadka fasallada 12aad ee dugsiyada sare ee Puntland 2019-2020.

Imtixaanka ayaa loo xilsaaray ilaa 213 macallimiin ah oo ka kala yimid dhammaan gobollada Puntland, iyadoo macallimiinta lagu soo xulay aqoontooda iyo khibraddooda macallinnimo. Sixidda ayaa maanta bilaabatay, iyadoo taariikhdu tahay 25ka Luulyo, 2020.

Agaasimaha Waaxda imtixaanaadka, Maxamuud Maxamed Siciid (Caynsane), ayaa sheegay inuu meel wanaagsan u marayo howsha sixitaanka, islamarkaana ay si dhow ula socdaan hubinta imtixaanka, wuxuuna sheegay in lasoo gabagabayn doono bisha 8aad dhexdeeda ee soo socata, goortaas oo si rasmi ah loogu dhawaaqayo natiijada imtixaanka.

Maxamed Maxamud Siciid (Caynse) ayaa sidoo kale sheegay in sannadkaan ay 213 Macallin saxayaan imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland ee Fasalka 12aad iyo Shaqaaalaha Xafiiska Imtixaamaadka.

Macallimiinta saxayaasha ah ayaa isugu jira 155 oo saxayaal ah, 35 Horjooge iyo 22 hubiye. Caynsane ayaa sidoo kale sheegay in uu ku kalsoon yahay macallimiintiisa imtixaanka saxaysa, kuna faraxsan yahay shaqada ay ummaddooda u hayaan.

Agaasimaha Waaxda Imtixaamaadka, Maxamuud Maxamed Siciid (Caynsane), ayaa dardaaran u jeediyey macallimiinta imtixaanka saxaya, una sheegay macallimiinta in ay Alle ka baqaan oo aysan qofna u eexan, kana shaqeeyaan horumarka ardayda Puntland ee Soomaaliyeed.

Agaasimaba Waaxda Imtixaanka ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ay ahmiyadda koowaad siineyso sidii loo heli lahaa arday aqoon iyo khibrad u leh in ay dalka wax badan ku soo kordhiyaan.

Wuxuu Agaasimuhu kula dardaarmay macallimiinta imtixaanka saxaysa in ay masuuliyadda culus ee lagu aamminay u gutaan si wadaniyad, waalid nimo iyo Alle-ka-cabsi kujirto, si loo hubiyo ardayga wax bartay ee dadaalay iyo kan aan dadaalin.

Ardayda Imtixaanka Fasalka 12aad ee sugsiga sare u fariisatay sannadkaan ayaa ka badan tiradii sannadkii hore.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa dadaal ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta ardayd iyo macalli miinta wax ka dhiga dugsiyada dalka, islamarkana loo horumarin lahaa waxbarashada dalka.

By: Deeq Hurevov-Madaxa xiriirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Leave a comment

*

Archives
July 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online