Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo la kulmay Gudoomiyayaasha Ardayda Jaamacadaha Magaalada Gaalkacyo.

July 27, 2020 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland Mudane Cabdulaahi Maxames Xasan oo uu wehlinayaan Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Gadiidka Badda Puntland iyo Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug Axmed Huruuse Xaashi ayaa kulan la qaatay Gudoomiyayaasha Ardayda Jaamacadaha Magaalada Gaalkacyo.

Kulankan oo ay soo xaadireen dhamaan Gudoomiyayaasha Ardayda Jaamacadaha Magaalada Gaalkacyo ayaa Gudoomiyayasha ardayda iyo madasha ay ku midaysanyihiin Warbixin siiyey Wasiirka iyagoonah ka waramay in ay 8 jaamacadood ee Ka dhisan magaalada Gaalkacyo leeyihiinah hal madal oo ay ku midaysanyihiin Dhamaan ardayda Jaamacadahaas urukaas oo lagu Magacaabo ” Guya ” waxay ka soo qayb qateen Barnaamijyo Isxilqaanah kuwaas oo loogu Gurmanayey ” Fatahaadii Magaalada Beledwayne, Ugurmashadii wadooyinkii Gardafuu iyo Gurmadkii Fatahaadii Magaalada Qardho “, sidoo kale waxay wasiirka la wadaageen in ay yihiin Ardayda kaliyah ee ku midaysan Urur kuwaasoo leh Gudoomiyeh, ku Xigeen iyo Xoghayeh, iyagoonah wasiirka ka codsaday in loo qalabeeyo Xafiiska Urur taasoo wasiirku Aqbalay.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland Mudane Cabdulaahi Maxamed Xasan ayaa uga mahadceliyey Ardayda Warbixintooda muga leh oo ay ku jidho dhiranaan iyo Doonis Wanaagsan isagoonah qiray Doorka Wayn inay ku leeyihiin Waxbarashada Puntland khaasatan tan gobolka Mudug, waxaanah balan qaadayaah qalabaynta Xafiiska Ururka Jaamacadaha, halganka waxbarasho ee aad wadaan halkaa ka sii wadah waanu idin garab taaganahay ka wasaarad ahaan waana ku faraxsanahay kulan kiinah Mudug waa Budhiga somaaliyaha khaasatan puntland waxkastah oo ka socdah Guud ahaan dalkeenah waana idiin hambalyeynayaah.

Xafiiska Warbahinta Guddoonka Waxbarashada Gobolka Mudug

Leave a comment

*

Archives
July 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online