Wasiirka waxbarshadda Puntland oo soo dhaweyn loogu sameeyey Gaalkacyo

July 28, 2020 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa soo dhaweyn loogu sameeyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland Mudane Cabdulaahi Maxamed Xassan.

Munaasibadan soo dhawaynta ayaa waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug Axmed Huruuse Xaashi Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Gaalkacyo Cali Cabdi Sahal, Kormeeraha Waxbarashada Gobolka Shufeer, Aqoonyahano, Maamulayaal Dugsiyo sare iyo kuwa dhexe iyo Macalimiin.

Kulanka ayaa bogaadin iyo hambalyo looga jeediyey Wasiirka iyo dhamaan wasaarada sida wanaagsan oo ay u maareeyeen habka cashar bixinta xiligii adkaa ee cudurka Crona.

Maamulayaasha Gobolka Mudug oo goobta hadal ka heediyey ayaa sheegay xiliyadii adkaa oo waxbarashadu soo martay, in in hada heer lagu faano ay joogto.

Munaasibadan soo dhawaynta ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Bahda Waxbarashada Gobolka Mudug.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online