Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda PL oo tegay degmadda Golodob

July 28, 2020 - Written by Editor

Goldogob:-Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Cabdi Ibrahim Warsame Qawdhan iyo wafti uu hoggaaminaayo ayaa safar shaqo ku tegay dagmadda Golodob oo ka tirsan Gobolka Mudug

safarka Wasiirka waxaa ku waheliyay Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga Abshir Maxamed Abshir, Xisaabiyaha Wasaaradda ee Gobolka Mudug Ismaacil Cabdi nuur geesay, Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Berriga Cabdulqaadir liibaan Cismaan,Taliyaha Hogaanka ilaadda Gen Cashuuraha Cismaan Xasan Cali Cuuke iyo masuuliyiin kale.

Safarka Wasiirka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo xoojin lahaa arrimaha hormarinta dhaqaalaha iyo kobcinta dakhliga sidoo kalena loo ogaan lahaa baahiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee dagmadda Goldogob.

Wasiirka iyo Wafdiga uu hoggaaminaayay waxaa ku soo dhaweeyay degmada Galdogob Gudoomiyaha dagmada Cabdiqadir Khalifii Xaashi iyo Ku Xigeenkiisa waxna ay wafdigu booqdeen Kastamka tuurdibe oo ah ilaha hormarinta dhaqaalaha ee Dawladda Puntland iyo xadka labada dal.

Sidoo kale Wafdiga ayaa booqday Xafiisyada Kastamka iyo Cashuuraha Berriga ee Dagmadda waxana ay warbixinno ka dhegeysteen shaqaalaha iyo saraakiisha Amniga.

Wafdiga ayaa booqan doona dagaano badan oo ka tirsan Gobolka Mudug si loo xoojiyo shaqada iyo waajibaadka shaqo ee Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa waday dadaalo lugu hormarinayo qorshaha Wasaaradda ayadoo la xoojinaayo kormeerka iyo isla xisaabtanka shaqaalaha si loo xaqiijiyo hadafka guud ee Wasaaradda iyo kor u qaadida dakhliga.

Wasiirku-xigeenka Maaliyadda Mudane Cabdi Warsame Qawdhan oo mudooyinkii ugu dambeeyay hawlo shaqo u joogay Gobolka Mudug ayaa ayaa ku guulaystay kor uqaadida dakhliga magaalada Gaalkacyo talooyon fiicna siiyay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Baahintii

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
July 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online