Beesha caalamka oo mar kale ku celisay in uu muhiim yahay Shirka Dhuusamareeb

August 14, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka (ee liiska hoos ku taxan)* waxay ku hanweynyihiin shirka ay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka dib isugu imanayaan magaalada Dhuusamareen 15ka bishan Agoosto, sida qorsheysan, iyadoo ay ka soo qaybgalayaan dhammaan madaxda DGXDF iyo DFS.

Waxaa lagama maarmaan ah in la dhowro kalsoonidii dhowaan la abuuray ee madaxda ka dhexeysa iyo la sii wado geeddi-socodka isfaham-dhisidda ee billaabmay intii la joogay shirweynihii hore ee Dhuusamareeb si ay Soomaaliya ugu sii socoto waddo siyaasadeed oo xasilloon.


Haddii cid ka mid ah madaxdu uu ka qaybgeli waayo shirweynaha soo socda waxay baabi’in doontaa kalsoonida weli jilicsan, waxay wiiqi doontaa geeddi-socodka isfaham-dhisidda, waxayna hoos u dhigi doontaa inuu kulanku awood u yeesho in lagu gaaro go’aamo la hirgelin karo.

Iyadoo saddex bilood keliya ay ka hartay taariikhda bisha Nofeembar ee la qorsheeyay inay dhacaan doorashooyinka federaalka ee sannadka 2020, iyo iyadoo afar bilood keliya ay ka dhiman tahay inta uusan dhammaanin xilli xileedka Baarlamaanka Federaalka 10aad, saamilleyda Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay si degdeg ah ugu heshiiyaan wixii la qaban lahaa si horey loogu socdo, iyo gaar ahaan hanaanka doorashada, oo dib u dhac dheeraad la’aan ah.


Hawsha guddiga farsamada ee loo xilsaaray inuu ka soo baaraandego soona diyaariyo talooyinka hanaanka doorashada ee ay madaxdu isla qorfeyn doonaan ayaa lagama maarmaan u ah guusha shirweynaha la sugayo. Waxaan ka walaacsanahay in qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka aan weli guddiga u soo dirin wakiilladooda.

Waxaan ku boorinaynaa inay wakiilladooda u ogolaadaan inay ka qaybqaataan hawsha guddiga, oo durbaba la billaabay, inta ay sii wadaan wadahadallada ay kula jiraan hoggaanka Dowladda Federaalka si loo xalliyo arrimaha weli taagan.

Waxaan xusuusanaa in muddadii la jooga shirweynihii hore, ay madaxdu ku heshiiyeen inay lagama maarmaan tahay inay dalka ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo dhammaan saamilleyda qancisa lana hirgelin karo. Sidaa daraadeed, guddiga farsamada waa inuu diiradda saaro inuu dejiyo xulashooyin laga xulan karo si loogu heshiiyo qaab doorasho oo lagu gaaray isutanaasul, si loo qanciyo dhammaan saamilleyda.


Waxaan mar kale adkeynaynaa, sidaan horeyba ugu sheegnay baaqyadeenii hore iyo wadahadallada hadda noo socda ee aan la leenahay dhammaan saamilleyda, in qaab doorasho kasta oo uu si qasab ah ku mariyo mid keliya oo ka mid ah saamilleyda, ama qaar yar oo ka mid ah saamilleyda, iyadoon ogolaansho laga helin dhammaan saamilleyda, uusan yeelan doonin sharciyad dalkana laga hirgelin karin.

Waxaan haddana adkeynaynaa, maadaama uu nagu soo foolleeyahay dhammaadka xilli xileedka Baarlamaanka 10aad, in talada wixii la qaban lahaa si horey loogu socdo, ay ku heshiiyaan dhammaan saamilleyda, oo ay ka midyihiin Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo xisbiyada siyaasadda. Waa inuusan hal saamilley oo keliya, oo uu ku jiro sharci dejiyaha laftiisa, qaadanin go’aan keligiis ah oo uu ku kordhiyo xilli xileedka Baarlamaanka 10aad ama laanta fulinta federaalka.

Waxaan diyaar u nahay inaan taageerada lagama maarmaanka ah siino qabashada shirweynaha Dhuusamareeb ee soo socda iyo hawsha dhabta ah ee guddiga farsamada.

*Belgium, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Denmark, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Holland, Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Norway, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay.

Comments are closed.

Archives
August 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online