Ciidamada PMPF Puntland oo soo bandhigay meydad iyo xubno ay ka qabteen Al-shabaab

August 21, 2020 - Written by Editor

Boosaaso:-Ciidamada Difaaca Puntland ee PMPF ayaa howl gal ay ka fuliyeen Toga Habar Hunbulo Buuraha Calmadow ee Gobollka Bari waxaa uu dagaal toos ah dhexmaray ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab oo qorshaynayey in ay weerar ku qaadaan Saldhig ay ciidanka PMPF ku leeyihiin Buuraha Calmadow.

Taliska ciidanka PMPF ee Puntland oo la hadlay saxaafadda ayaa u sheegay in ay dileen ilaa 10 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab halka 3 kale ay ku qabteen nolosha ,waxaa kale ay xuseen in dhinacooda uu ka dhintay hal askari.

Taliska ciidanka PMPF ee Puntland ayaa saaka soo bandhigay meydad ay ku sheegeen in ay yihiin xubno ka tirsan Al-shabaab oo ay ku dileen howl galka balse aan ka gaabsanay in aan la wadaagno Akhristayaasha Halgan.net.

Ciidamada Difaaca Puntland ee PMPF ee ka ku sugan Buuraha Calmadow ee Gobolka Bari ayaa waxaa ay dagaalo kale duwan dhexmareen ururka Al-shabaab waxaan ka dhashay khasaaro kale duwan oo soo kala gaaray labada dhinac.

Ilaa hadda ma Jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalka dhacay iyo weliba khasaaraha ka soo gaaray dagaalkii saaka ka dhacay Toga Habar Hunbulo Buuraha Calmadow ee Gobollka Bari

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online