Ciidammada Daraawiishta Puntland qeybta 60aad ee Gobolka Mudug oo la Tira koobay.[Masawiro]

August 28, 2020 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Xeryaha Ciidammada ee ku yaala garoonka diyaaradaha C/laahi Yusuf, Xerada Taangiyada iyo madaafiicda ee magalada Gaalkacyo ayaa laga bilaabay Diwaan galinta iyo tirakoobka Ciidammada Daraawiishta ee qeybta 60aad ee Gobolka Mudug.

Xeryahan oo ay ka socdaan diiwaan galinta Ciidammada waxaa booqaday Gudiga dib u habaynta Ciidammada oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda ahna Gudoomiyaha gudiga Mudane Xasan Shire Cabdi oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Daraawishta Puntland S/gaas Yaasin Cumar dheere ,Taliyaha Ciidammada booliska Puntland Gen Cabdi Xasan Xuseen,Taliye ku xigeenka Ciidammada Difaaca Puntland Gen Axmed Cali Salad , Xildhibaan Fu’aad Abshir iyo saraakiil kala duwan oo tirasan Ciidammada Difaaca Puntland.

Wasiirk Maaliyadda dowladda Puntland Mudane xasan Shire Cabdi ayaa ka hadlay wax yaabaha ay ku taamayso Wasaaradda Maaliyaddu.

“Hadii aysan Dawladdu dhaqaale helin ma jireen Amni iyo kaladambayn, midna ogaada Wasaaradda Maaliyaddu waxaa ka go’an in Ciidammada iyo shaqaaluhu helaan xuquuqdooda, dalkana laga shaqeeyo horumarkiisa insha alaah”

Dhanka kale Wasiirka Maaliyadda ayaa waxa uu umahad celiyay Bulshada Puntland ee Cashuurta ku waajibtay bixiya waxana uu sheegay bixinta Cashuuraha in ay qayb wayn ka tahay dowladnimada Puntland.

Baahintii

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
August 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online