Ciidanka Daraawiishta PL ee Godod oo la bilaabay Diiwaan galintooda.[Masawiro]

August 25, 2020 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Gudiga dib uhabaynta Ciidammada oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda ahna Gudoomiyaha gudiga Mudane Xasan Shire Cabdi oo ay weheliyaan Wasiirka Amniga iyo DDR Dawladda Puntland Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan, Taliyaha Ciidammada booliska Puntland Gen Cabdi Xasan Xuseen iyo Taliye kuxigeenka Ciidammada Difaaca Puntland Gen Axmed Cali salad Faarax ayaa booqaday Taliska Ciidammada.

Gudoomiyaha gudiga Mudane Xasan Shire Cabdi oo la hadlay Saraakiisha iyo Ciidammada daraawishta qeybta 60aad ayaa waxaa uu sheegay in ay muhiimad weyn uleedahay howsha tirakoobka ciidammadu jiritaanka Dawladnimada Puntland.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Ciidammada u sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu ay heegan ugu jirto sidii Ciidammadu u heli lahaayeen xuquuqdooda.

Qaybo ka mid ah Saraakiisha iyo Ciidammada oo la hadlay gudiga ayaa sheegay in ay ku farax san yihiin diwaan galinta si ay u helaan xuquuqdooda una gutaan waajibaadkooda shaqo.

Waxaa xusid mudan in horey loogu guulaystay tirakoobka booliska iyo Asluubta Gobolka Mudug waana talaabo guula oo horay loo qaday

Baahintii
Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
August 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online