Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay Taiwan, kuna hanjabtay tallaabo

August 18, 2020 - Written by Editor

Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay tallaabooyinka ay qaadeyso Taiwan, oo ay dowladdu ku sheegtay inay yihiin kuwa ka hor imaanaya madax bannaanida Soomaaliya iyo shuruucda caalamiga ah.

War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu yiri, “dowladda federaalka ah ee Soomaalya waxay cambaareyneysa isku dayada masuuliyad darrada ah ee Taiwan ay ugu xad-gudbeyso madax bannanida jamhuuriyda federaalka ah ee Sooomaaliya iyo ku xad-gudbida sharafka dhuleed.”

Warka ayaa lagu sheegey in dowladda Soomaaliya ay qaadeyso tallaabo kaste oo ka mid ah qaanuunka caalamiga ah oo ay ku difaaceyso midnimada dalka, madax bannaaninda, sharafka dhuleed iyo madax bannaanidiisa siyaasadeed.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Taiwan ay sheegtey in xafiis siyaasadeed ay ka furatay magaalada Hargeysa ee Somaliland.

VOA Somalia
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
August 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online