Guddiga Hawlaha Guud ee Golaha Wakiillada PL oo booqday Garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir.[Masawiro]

August 25, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Guddiga Hawlaha Guud, ganacsiga iyo Kaabayaasha dhaqaalaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kormeer shaqo ku tagay Garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir Garoowe halkaas oo ay Warbixin kaga dhageysteen Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada DPL Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gebilay).

Wasiirka oo uu wehliyo Maareeyaha Garoonka ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir, qorshayaasha degsan, waxyaabaha u qaab-soomay iyo weliba caqabadaha jira, iyagga oo sidoo kalena, su’aalo laga weydiiyay arrimaha ay ka hadleen isla markaana ay Guddigu u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira Airporka ayna doorkooda ka qaadanayaan.

Dhanka kalena, Guddiga ayaa kormeeray dhammaan qeybaha uu ka kooban yahay Airporka, iyo Xafiisyadda maamulka si ay u ogaadaan guud ahaan shaqooyinka ay dalka iyo dadka u hayaan.


DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
August 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online