Gudiga dib u habeynta & diiwaan galinta Ciidanka Puntland oo shaqo ka wada Gobolka Mudug

August 26, 2020 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Hawihii Dib uhabaynta & Diiwaan galinta ciidanka dowlada Puntland ayaa maanta si rasmi ah uga furmay xerada ciidanka ee Godod oo qiyaas ahaan 30Km dhanka bari kaga beegan magaalada Gaalkacyo.

Gudiga dib uhabeynta & diiwaan galinta Ciidanka dowlada Puntland oo ay weheliyo Xildhibaan Fuaad abshir adeer oo katirsan baarlamaanka dowlada Puntland, maamulka Degmada Gaalkacyo & taliska guud ee ciidanka booliska dowlada Puntland ayaa si toosa ula socday habka shaqada ay usocoto.
Gudoomiyaha Gudiga Dib uhabaynta ciidanka dowlada Puntland ahna wasiirka maaliyada xasan shire abgaal oo ciidanka la hadlay ayaa sheegey in diiwan galintu ay tahay in la xareeyo xogta askariga oo dhamaystiran si u galo diiwaanka mushaarka oo askari walba taleefankiisa ugu soo dhacaysa.
Waxaa kale uu sheegey inuusan jirin askari laga tagayo mid walaba uu diiwaan galinta marayo laguna diiwaan galinayo nooca uu yahay marka diiwaan galinta dhamaatana ciidanka tababar lagalin doono.
Wasiirka amniga & DDRTA Dowlada Puntland Mudane C/samad maxamed Gallan oo madasha kusugnaa ayaa ciidanka usheegey in nidaamkaan uu yahay mid sare loogu qaadayo tayada ciidanka Dowlada Puntland.

Dhinaca kale Gudiga Dib uhabaynta ciidanka dowlada Puntland ayaa intii ay kusugnaayeen deegaanka Godod waxaa ay la kulmeen Maamulka degmada Towfiiq ee gobolka mudug,Taliska ciidanka Daraawiiishta & Taliyaha booliska degmada towfiiq.

Masuuliyiinta degmada towfiiq ayaa Gudiga Dib uhabaynta ciidanka dowlada Puntland & masuuliyiinta la socday kala hadlay baahiyo ka jira deegaanka waxaana laysku afgartay in baahiyaas dowlada Puntland ay deg deg u dabooli doonto hadana ay ku howlantahay.

Baahintii:
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Amniga iyo DDR Dawladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
August 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online