Gudigga Gurmadka Qardho oo daah-furay bixinta dhaqaalihii gurmadka Qardho

August 17, 2020 - Written by Editor

Qardho:-Gudigga Gurmadka Qardho ayaa maanta daah-furay Bixinta dhaqaalihii loogu talagallay dadkii ay dhibaatadu kasoo gaartay daadadkii Magaalada kusoo rogmaday, 1400 oo qoys ayaa la gaarsiin doonaa lacag ka badan 1 Malyan oo dollar 5beri ee soo socota.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Faderalka iyo iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad oo ay Wehliyaan Wasiiradda Wasaaraddaha Haweenka, Hawlaha Guud, Caafimaadka iyo Waxbarashada, Xildhibaano ka tirsan Puntland, Maamulka Degmada Qardho, Kan Gobolka Karkaar, Agaasime ku xigeenka Madaxtooyadda Puntland, Agaasimaha Madaxtooyada Qardho, Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyadda iyo Masuuliyiin kale ayaa goob-joog ka ahaa daahfurka dhaqaale bixinta loogu talagallay dadkii ay dhibaatadu kasoo gaartay daadadkii Magaalada Qardho.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
August 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online