Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ka qayb galay Xafladda Shahaado sinta ururda siyaasadda Puntland

August 15, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa ka qeybgalay Xafladda Shahaado-siinta Ururada Siyaasadda Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa u hambalyeeyay 10 Urur Siyaasadeed oo maanta shahaadada aqoonsiga la guddoonsiiyey, wuxuu sidoo kale bogaadiyey shaqada ay qabteen Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland.

Dhammaan Masuuliyiintii iyo qeybihii kala duwana ee Bulshada ee ka hadlay kulanka, ayaa uga mahadceliyay Dowladda inay xili hore ka dhabeysay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda.

Madaxweyne ku-xigeenka waxaa ku weheliyay Xafladda Madaxweyneyaashii hore ee Dowladda Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Goleyaasha Dowladda Puntland, Guddiga KGM ah ee Doorashooyinka Puntland, Madaxda Ururada Siyaasadda ee Shahaadooyinka la siiyey, Xafiiska Xuquuqul Insaanka, Ururada Bulshada, Haween iyo Dhallinyaro.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online