Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo wafdi la socda oo lagu soo dhaweeyey degmada Saaxo.[Masawiro]

August 5, 2020 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay Degmada Saaxo ee gobolka Mudug.

Waa Madaxweynihii ugu horeeyay Dowladda Puntland ee booqda degmada Saaxo, dadweynaha ayaa siweyn usoo dhoweeyay booqashada Madaxweynaha iyo wafdiga la socday.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid C/laahi Deni, ayaa markii u gaaray degmada Saaxo waxaa uu kormeeray Ciidamada Darawiishta Dowladda Puntland ee degmada Saaxo isagoona ka dhagaystay warbixin Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta ee degmada Saaxo, wuxuuna ballan qaaday dhismaha xerada Ciidamada Daraawiishta ee Saaxo.

Dhinac kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi ayaa dhagax dhigay mashruuca balaarinta Dhismaha Dugsiga Hoose/dhexe, dhismaha Dugsiga Sare iyo Guriga Hoyooyinka ee degmada Saaxo isla markaasna waxaaa uu xariga ka jaray dhismaha Saldhiga iyo Maxkamadda degmada Saaxo, sidoo kalena waxaa gaadiid Boolis ay dowladdu ku wareejisay taliska Booliska ee degmada .

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online