Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu laabtay Kismaayo.[Masawiro]

August 27, 2020 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa soo gaba gabeeyay booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku joogay Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland intii u dhaxaysay 24 ilaa 27 Bishan August 2020.

Madaxweynaha ayaa intii uu halkaas ku sugnaa waxaa uu kulamo miro dhal ah la qaatay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoonka Baarlamaanka.

Kulamada uu Madaxweynahu la qaatay Masuuliyiinta Puntland ayaa diirada lagu saarayay iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya labada Dowladood iyo Arimaha Siyaasada dalka.

Madaxweynahu wuxuu uga mahad celiyay Masuuliyiinta iyo Shacabka Puntland sidii milgaha lahayd ee ay usoo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Waxaa Madaxweynahu uu goordhow oo galabta ah dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo.

DHAMMAAAD.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

251,355 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>