Madaxweynaha PL oo ka tacsiyeeyey geerida Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaha Waxbarashada hore ee Puntland

August 19, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Goleyaasha Dowladda ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdi Maxamuud Maxamed (Cabdi-goobe) oo ku geeriyoodey Garoowe.

Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Marxuum Cabdi Goobe waxa uu soo noqday Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaha Waxbarashada iyo Ganacsiga ee Dowladda Puntland, wuxuu ka mid ahaa macalimiinta Soomaaliyeed ee kusoo tabcay aqoon-yahano badan oo maanta dalkooda, dadkooda iyo diin toodaba u adeegaaya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni waxa uu Alle “SWC” uga baryayaa Marxuumka inuu ka waraabiyo Jannatu Fardawsa, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online