Madaxweynaha Puntland oo gaaray degmada Galdogob.

August 4, 2020 - Written by Editor

Galdogob:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhaggax dhigay Rugta Booliska iyo Mashruuca balaarinta Dugsiga Hoose/Dhexe deegaanka Xero-Jaalle ee degmada Galdogob.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii ay soo gaareen Xero-Jaalle waxaa siweyn u soo dhoweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada, intaasi kadib wuxuu Madaxweynuhu dhaggax dhigay Rugta Booliska iyo mashruuca Balaarinta Dugsiga Hoose/Dhexe ee deegaanka Xero Jaalle oo ay ka shaqeynayso Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Intii uu ku sugnaa deegaanka Xero Jaalle Madaxweyne Deni, wuxuu kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada oo uu ka dhegaystay baahiyahooda, waxaana markiiba uu Madaxweynuhu ka jawaabay baahida ugu weyn ee ay soo gudbiyeen dadka deegaanku isagoo faray Hay’addaha ay khuseyso in magaaladdaasi la geliyo sida ugu dhakhsiyaha badan Soolar-ka cadceeda ka dhaliya Korontada.

Weftiga Madaxwaynaha waxa ka mid ah wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan xukuumada, la’taliyayaasha Madaxwaynaha, Saraakil ciidan iyo Masuuliyiin kale.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online