Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida ganacsade Maxamed Haaji Jaamac (Qaarey)

August 6, 2020 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladda Puntland-ba ayaa ka tacsiyeeyey geeriga Alle ha u naxariistee ganacsade Xaaji Maxamed Haaji Jaamac (Qaarey) oo ku geeriyoodey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Marxuum Xaaji Maxamed Haaji Jaamac (Qaarey) ayaa ahaa ganacsade Soomaaliyeed oo qayb weyn kulahaa samatabixinta dalka burburkii kadib, waxaa uu ahaa muwaadin ka shaqeeya nabadda iyo isu soo dhoweynta ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale Marxuum Xaaji Maxamed (Qaarey) ayaa muddooyinkii dambe ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, waxaana uu laf-dhabar u ahaa ganacsatada dalkaasi.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, ganacsatada, ehelkii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay uga tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Mohamed Haaji Jaamac (Qaarey). Madaxweynuhu waxa uu Alle “SWC” uga baryey marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaal mariyo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo eheladiisii.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Comments are closed.

Archives
August 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online