Madaxweynaha Puntland Oo U Hambalyeeyay Ilhaan Omar, Omar Fateh iyo Jamal Osman.

August 12, 2020 - Written by Editor

Jabuuti :- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ugu hambalyeeyay Soomaalida Mareykanka guulaha ay ka gaareen doorashooyinka hordhaca ah, waxaana uu hambalyo u diray Ilhaan Omar, Omar Fatah iyo Jamaal Osmaan.

Ilhaan Omar ayaa markale ku guuleysatay inay Xisbigeeda Dimuqraadiga ku metesho degmada 5-aad ee Congresska Mareykanka, marka la gaaro Doorashada November. Omar Fatah ayaa isna ku guuleystay Golaha Senateka ee Gobolka Minnesota oo Soomaalidu aysan hore ugu guuleysan, halka Jamaal Osmaan uu isna hoggaaminayo codadka doorashada degmada 6-aad ee magaaladda Minneapolis.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyey dadaalka ay sameeyeen xubnahan oo dhammaantood reer Puntland ah, wuxuuna u rajeeyay guul waarta inay ka gaadhaan doorashooyinka dambe ee ay ku gaadhayaan himiladooda, Madaxweynaha ayaa ku booriyey inay dedaalka sii laba jibaaraan si ay uga gun gaadhaan yoolkooda, taasi oo guul u ah dhamman ummadda Soomaaliyeed.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online