Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo Garoowe ku laabtay.

August 13, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne ku xigeenka DPL oo saaka kasoo kicitimay Magaalada Muqdishu ayaa soo dhaweyntiisagaroonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir waxaa qeyb ka maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmadda Garoowe, qaar kamid ah Goleyaasha Dawladda Puntland, saraakiil katirsan Baarlamaanka & Madaxtooyada Dawladda Puntland, iyo dadweyne fara badan oo qayb ka ahaa soo dhaweenta.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa hadal kooban oo uu Warbaahinta siiyay ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Madaxweyne ku xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cusmaan ku soo dhaweeyo dalka.

Inta ka dib, Madaxweyne ku xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa u sheegay Warbaahinta inuu muddo dalka dibadda ugu maqnaa safarkiisana uu daarnaa Arrimo shaqsi iyo weliba hawlo u gaar ah, waxa uuna ka tacsiyadeeyay geeridii Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada DPL & sarkaalkii ka tirsan Madaxtooyada ee ku geeriyooday Gaalkacyo.

————-DHAMMAAD———-

Comments are closed.

Archives
August 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online