Madaxweyne ku xigenka PL oo baaq nabadeed u diray beelo colaad ku dhexmartay deegaanka Lafa-weyne

August 14, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland,Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Lafa-weyne oo ka tirsan degmada Xudun ee gobolka Sool.

Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Karaash ayaa si adag ugu baaqay in beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya degaankaasi si shuruud la’aan ah ku joojiyaan dagaalka, waxa uu Madaxweyne Ku-xigeenku sheegay in dagaal wiil aanu ku dhalan ee wiil ku dhinto, hanti ku burburto, xigto iyo xigaalna kala fogayso, Adduun iyo Aakhirona aanay lahayn wax aayatiina.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Isimada Puntland uga mahadnaqay dedaalka joogtada ah ee ay ka geysteen nabadaynta gobolka Sool, waxa uu ku booriyey inay qayb lixaadle ka qaataan dejinta colaadda kasoo cusboonaatay deegaanka Lafa-weyne ee hoostaga degmada Xudun ee gobolka Sool.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online