Nadwo Cilmiyeed dini ah oo ka bilaabatay caawa magaalada Buuhoodle ee xarunta gobalka Ceyn.

August 26, 2020 - Written by Editor

Waxaa caawa ka bilaawaday magaalada Buuhoodle ee xarunta gobalka Ceyn nadwo cilmiyeed diini ah oo ay soo abaabushay Muss’asada Al-karam waxaana ay nadwadu socon doonta dhowr cisho .

Muxaadaradii ugu horeysay ayaa waxaa caawa jeediyey labada Sheekh ee kala ah Sheekh Maxamuud Dirir iyo Sheekh Axmed Jaamac Ismail waxayna ka hadleen الأمن والإستقرار في حياة المجتمعات

Shacabka ku dhaqan magaalada Buuhodle ee xarunta gobalka Ceyn ayaa si weyn u soo camiray Nadwada si ay uga faa,ideystaan Culumumada martida u ah .

Culimada ka soo qayb galay Nadwo cilmiyeedka diiniga ah waxaa ka mid ah:-
1: Sh. Maxed cumar dirir.
2: Sh. Daahir aw cabdi.
3: Sh.abdinaasir xaaji Ahmed
4: Sh. DR. Hassan Sh. Ali warsame .
5: Sh. DR. Ahmed jamac ismacil.
6: sh. Cabdwaaxid xaashi.
7: sh maxed macalin.

Musasada Al Karam Buuhoodle
Halgan.net

Comments are closed.