Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho

August 8, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Ugu yaraan in ka badan 10 qof oo 8 ka mid ah askar yihiin ayaa ku dhintay qarax ismiidaami ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa kale oo ku dhaawacmay 20 qof oo kale.

Qaraxa ayaa wuxuu ahaa gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa kaas maanta ah lagu weeraray, xero millatari oo u dhaw garoonka kubadda cagta Istaadium Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan millatariga DFS oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu xaqiijiyay, in qarraxa lala eegtay xarun ay guutada 12-ka April ku lee yihiin degmada Wardhiigleey uuna jiro khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.

Goob joogayaal ku sugnaa meel aan ka fogeyn goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in qaraxa loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu waday qof is-miidaamiyay oo naftiis halige ah .

Kooxda Al Shabaab oo lagu yaqaan daadinta dhiiga Soomaaliyeed ee Muslinka ah ayaa sheegtay in ay ka danbeeyeen qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

A/Cawale
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
August 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online