Taliyaha Ciidanka gaarka ah ee Madaxtooyada PL oo ku dhintay howl gal ka dhacay Gaalkacyo

August 9, 2020 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland G/lle Sare Col- Osman Cumar Mohamed Faahiye ayaa ku dhintay rasaas gaadmo ah oo ay koox dablay khamristayaal ah ay ka soo rideen guryo ku dhow xarun Khamri oo xalay iyo saaka ay ciidanka ka fuliyeen howl gal.

Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland G/lle Sare Col- Osman Cumar Mohamed Faahiye & Sargaal ka tirsan ciidanka Madaxtooyada Axmed Yusuf (Axmed Gaab) ayaa ku dhintay rasaas ay soo fureen koox khamriga ka ganacsata oo baqo cara ah Waxaan ciidanka ay sameeyeen howl gal lagu soo qabtay 7 ka mid ah halka qaar kale ay baxsadeen.

Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland G/lle Sare Col- Osman Cumar Mohamed Faahiye ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo ay ciidanka aad u jecel yihiin ahna nin daacad u ah howshiisa , Taliye Col. Osman Cumar ayaa waxaa uu soo noqday taliyaha ciidanka ilaalada gaarka ah ee Ra.iisul wasaarihii hore ee dowlada Fdeeraalka Soomaaliya Dr Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Taliska Ciidanka Puntland ayaa waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u diraynaa Ehelada iyo qaraabadii, qooyskii iyo caruurti ay ka geeriyoodeen Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland , G/lle Sare Col- Osman Cumar Mohamed Faahiye & Sargaal ka tirsan ciidanka Madaxtooyada Axmed Yusuf (Axmed Gaab) iyo dhamaan Ciidamada Puntland.

Taliska Ciidanka Puntland ayaa ka codsaday in bulshada magaalada Gaalkacyo ay la shaqeeyaan ciidanka waxaan Taliska ciidanka Gobolka Mudug lagu amray in si deg deg ah loo soo qabto eedeysanayaasha ka ganacsada khamriga ee ka baxsaday howl galkii ciidanka ay fuliyeen saaka.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online