Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Boosaaso ka wada soo qabashada Gaadiidka aan Cashuurnayn

August 11, 2020 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa saaka ka bilowday magaalada boosaaso soo qabashada Gaadiidka aan Cashuurnayn.

Ciidammada ilaaladda Cashuuraha Wasaaradda ayaa ka hawl galay wadooyinka magaalada boosaaso si loo ogaado gaadiidlayda aan bixin Cashuuraha ku waajbtay.

Hawl galkan ollolaha Cashuuraha waxaa hoggaaminaayay Maamulaha Cashuuraha Berriga Gobolka barri Yuusuf Maxamed Yuusuf iyo Taliyaha Ciidammada ilaalada G/Sare Maxamed Baari.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa wada dadaalo dheeraad ah oo ku aadan kor uqaadida dakhliga si Dawladdu u gudato waa jibaad keeda shaqo.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa horay u iclaamiyay Ollolaha soo qabashada gaadiidka aan Cashuurnayn kaasi oo laga hirgaliyay dhamaan Gobolada loona wado si joogto ah.

Maamulaha Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka barri Yuusuf Maxamed Yuusuf ayaa umahad celiyay dadka Cashuurtay gaadiidkooda kuwa aan wali Cashuurna ugu baaqay in ay Cashuurtaan gaadiidkooda.

Baahintii

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
August 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online