Wasaaraddaha maaliyada heer Federaal oo ku kulmay Muqdisho

August 12, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:–shir-bileedkii u dhexeeyay Wasiirada Dawladda Federalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federal iyo Maamulka Gobolka banaadir ayna soo qaban qaabisay Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federalka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirkan Dawladda Puntland waxaa uga qayb galay wafti uu hoggaami naayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi.

Shirkan ayaa looga dooday qodobo ay ka mid yihiin

1- qaabka loo wadaagi lahaa dakhliga kabka Miisaaniyadeed ee laga helay Bangiga Aduunka kuna aadan hoos dhicii Miisaaniyadeed ee uu keenay xanuunkii COVID2019.

2- Ansixin nidaam ku aaddan qaab-wadaagga lacagaha loo diro Dawladaha Xubnaha ka Dawladda Federalka ayadoo guddiga farsamadu sii falanqayn doonaan.

3- U guuridda Cashuuro Furdo oo ku salaysan qiime.

4-Xoojinta xog-wadaagga iyo horumarinta guud ee Maaliyadda dalka.

Masuuliyiinta ka qayb galay shirkan ayaa siwayn uga dooday qodobadan ugu dambayna laysku afgartay.

Baahintii

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
August 2020
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online