Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cod Aqalabiyad ah ku ansixiyey heshiiskii Doorashada 2020/21

September 26, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Kulan gaar ah oo ay saaka iskugu yimaadeen Labada aqal ee Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay ku ansixiyeyen heshiiska siyaasadeed ee doorashada 2020/21 oo dhawaan ay wada gaareen madaxweyanaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abdullaahi Farmaajo iyo maamul goboleedyada dalka iyo gudoomiyaha gobolka banaadir.

Kulanka saaka ayaa waxaa ka soo wada qayb galay labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyadoona ay soo xaadireen Xildhibaano tiradoodu gaaraya 255,dood iyo falanqayn dheer ka dib waxaa ay Xildhibaanadu cod geliyeen heshiiska siyaasadeed ee doorashada 2020/21 oo ah heshiis u dhow heshiiskii doorashada dadbanayd ee 2016.

Heshiiska siyaasadeed ee doorashada 2020/21 ayaa waxaa u codeeyey 252 Xildhibaan halka ay diideen 2 Xildhibaan waxaana ka aamusay 1 Xildhibaan. Gudoomiayaha Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee Aqalka Hoose Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay natiijada.

Heshiiska siyaasadeed ee doorashada 2020/21 ayaa waxaa uu noqday heshiis ay isla wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya , Maamul goboleedyada dalka waxaan meesha ka baxday is jiid jiid badan oo mudo 3 sano ku dhawaad u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul gobolleedyada dalka qaarkiis oo ku dheganaa in dorashadu 2020/21 ay noqoto mid dadban.
A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online