Ciidamada Jubbaland oo la wareegay deegaanka Janaay Cabdalle

September 5, 2020 - Written by Editor

Ciidamada Jubbaland ayaa saaka argagixisada Alshabaab kala wareegey deegaanka Jannaa Cabdalle ee gobolka Jubbada hoose.

Jannaa cabdalle ayaa bar muhiim ah u ahayd isu socodka Maleeshiyada Alshabaab ee deegaanada koonfurta iyo waqooyiga Jubbooyinka, sidookale waxay ahayd goobta ay lacagta ugu badan kaga qaataan gaadiidka iyo shacabka u kala gooshaya degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow.

Deegaanka Jannaa cabdalle ayaa magaalada Kismaayo u jirta masaafo dhan 60KM halka isla masaafadaas ay u jirto degmada Afmadow taas oo ka dhigan barta kala barta labada degmo.

Ciidamada ayaa ku guda jira sidii dadka Shacabka ah ay si Nabad ah ugu kala gooshi lahayeen wadada dheer ee xiriirisa Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow halkaas oo dhibaato adag ay dadka Shacabka ah ugu gaysan jireen Kooxda Al-Shabaab.

———-Dhamaad———-

Comments are closed.