Ciidamo Tababar loogu soo xiray xerad Xorgoble ee Qardho[Video/Masawiro]

September 19, 2020 - Written by Editor

Qardho:- Ciidamada Boliska Dawladda Puntland ee sida gaarka ah u tababaran ee GOODIR ayaa loo soo afmeeray tababar ay mudo ku qaadanaayeen Xerada Ciidamada ee Xorgoble.

Ciidamadan ayaa laga keenay guud ahaan Gobolada Puntland waxana ay qateen casharo ay ka midyihiin

1-Habka baarista kiisaska dhaca
2-Ladagaalanka cadawga
3-Ka hortaga Rabshadaha
Iyo gacan siinta Bulshada rayadka ah

Munaasabada soo afmeerida ciidamada GOODIR waxaa ka soo qayb galay Madaxwayne ku xigeenka Dawladda Puntland, Wasiirka Maaliyadda ahna Gudoomiyaha gudiga,Taliyaha Ciidamada Daraawiishta,Taliyaha Ciidamada Booliska ,Gudoomiyaha maxkamada sre ee Ciidamada qalabka sida, Xildhibaano katirsan Golaha Baarlamaanka,
Gudoomiyaha Gobolka Karkaar, Gudoomiyaha Gobolka barri,Taliyaha qaybta Boliska Gobolka barri iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda.

Ciidamadan ayaa madaxda hortooda ku soo bandhigay aqoontii la baray taasi oo ay si wada jir ah u bogaadiyeen madxda Dawladdu waana talaabo horay loo qaday.

Baahintii

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

243,200 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>