Ciidanka Booliska Gobolka Karkaar oo gacanta kusoo dhigay 20 dhalo oo khamri ah iyo gaarigii waday.

September 22, 2020 - Written by Editor

Ciidanka Booliska Gobolka Karkaar gaar ahaan Taliska kantaroolka konfureed ee magaalada Qardho ayaa gacanta kusoo dhigay 20 dhalo oo khamri ah iyo gaarigii waday.

Waxaana saaka lagu soo bandhigay saldhiga dhexe ee magaalada Qardho, iyadoona ay goob-joog ahaayen Guddomiyaha Gobolka Karkaar mudane Siciid Maxamed Faahiye, Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar Cabdi Caseyr Yuusuf, Taliye ku-xigeenka Qaybta Gobolka Karkaar Jaamac Cismaan Axmed, Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan Garsoore Maxamed Bashiir Axmed, Taliyaha saldhiga dhexe ee magaalada Qardho Cumar hiirad kaatun iyo saraakil ka tirsan ciidan Booliska Gobolka Karkaar.

Guddomiyaha Gobolka Karkaar mudane Siciid Maxamed Faahiye ayaa ciidanka Booliska ku booriyay dadaalada ay kula dagaalamayan noocyada kala duwan ee man-dooriyaha, waxa uuna xusan in maxkamad la gayn doono khamrigaan, sidoo kale waxa uu guddomiyuhu fariin u diray dadka faraha kula jira ka gacansiga khamriga.

=DHAMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MAAMULKA GOBOLKA KARKAAR.

Leave a comment

*

Archives
September 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online