Dagaal culus oo dhexmaray dad shacab ah iyo ururka Al-Shabaab.[Dhagayso]

September 4, 2020 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyooday, 6 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal dhexmaray kooxda Al-Shabaab iyo dadka deegaan ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalku wuxuu bilowday Jimcihii ka dib markii malayshiyaad hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab, oo gacanta ku haysa qaybo ka mid ah gobolka, ay isku dheceen dadka deegaanka Shabeellow oo qiyaastii 20 km dhanka galbeed kaga beegan degmada Bacaadweyn, oo saldhig u ah qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Hoos ka Dhagayso Wariyaha VOA Cabdiwaaxid Macallin Isaaq ayaa warbixintan ka soo diray Gaalkacyo.


VOA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

251,102 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>