Guddiga Tirakoobka iyo diiwaangelinta Ciidanka Puntland oo tirakoobay ciidanka Xerada Caano-ka dhan ee Gaalkacyo.[Masawiro]

September 1, 2020 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Guddiga Tirakoobka iyo diiwaangelinta Ciidamada dowladda Puntland ayaa weli dardar ku wada howsha tirakoobka Ciidamada ee ka socota qaybta 60aad ee gobolka Mudug. Waana xerada Caano-ka dhan ee galbeedka kaga beegan magaalada Gaalkacyo.

Guddigan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Tirakoobka Ciidamada ahna Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyeen howsha Tirakoobka iyo diiwaangelinta Ciidamada.

Wasiirka waxaa ku weheliyay kormeerkiisa Ciidanka Booliska Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen,Taliye kuxigeenka Daraawiishta Gen. Axmed Cali Salaad,Taliyaha Ciidanka Badda G/sare Cabdiraxmaan M Jaamac,Taliyaha Ciidanka ilaalada Cashuuraha Jen. Cismaan Xasan Cuuke, Maareeyaha Garoonka diyaaradaha Cabdillaahi Yuusuf ee Gaalkacyo Siciid C/raxmaan,Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Geesey,Xidhibaano iyo saraakiil kale duwan.

Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada la tirakoobaya ay yihiin ciidamada Puntland oo dib u habeyn lagu sameynayo isla markaana Puntland ay ka gudubtay ciidan beeleed sanadkii 1998-dii.

Xaafiska Warfaafinta iyo Wacyigalinta Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
September 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online