Hoobiyaal oo caawa lagu weeraray xaafaddaha Magaalada Muqdisho

September 10, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Magaalada Muqdisho ayaa caawa waxaa ka dhacay weeraro loo adeegsaday Madaafiic gaaraysa ilaa 10 Madfac waxaan lagu weeraray qaar ka mid ah xaafado kale duwan ee ku yaal magaalada Muqdisho.

Weerarkaan Madaafiicda ah ayaa waxaa lagu weeraray xaafaddaha kala ah , Shangaani, , Xamar Jajab,Waabari, Warta-nabadda ,ilaa hadda lama garanayo khasaaraha ka dhashay weerarka.

Weerarkaan Madaafiicda ayaa waxaa kale oo lala beegsaday xarunta Villa Soomaaliya oo ay galabta ay ku kulan sanaayeen Madaxdweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda dowlad Gobolleedyada dalka.

Dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa caawa ay la soo darsitay cabsi ka dib weerarka madaafiicda ah ee caaawa ka dhacay magaalada Muqdisho.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

238,596 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>