Madaxweynaha Dowlada Jubaland oo ka qayb galay aaska Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga Sh Shaafi Raabi Kaahin

September 12, 2020 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qaybgalay Aaska Alle ha u Naxariistee Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Shaafi Raabi Kaahin.

Labada Madaxweyne ku xigeen Gudoonka Baarlamaanka iyo dadweyne kala duwan ayaa sidoo kale ka qaybgalay Aaska Marxuum Shaafi Raabi Kaahin.

Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadlay goobta Aaska ayaa sheegay in dhagarta Argagixisada ay tahay mid mudan in laga wada qaybqaato sidii looga hortagi lahaa isagoo sheegay in qof masaajid ilahay kasoo baxay in la dilo ay tahay mid uu Ciqaabtiisa dhadhamin doono qofkii falkaas gaystey.

Waxaa uu Madaxweynahu intaas ku daray in Shacabka iyo masuuliyiinta ay u Siman yihiin Kooxda Al-Shabaab isagoo Tusaale usoo qaatay goob ay dadweyne ku shaahayeen Magaalada Muqdisho oo maalmo kahor uu isku qarxiyay naftii halige.

Madaxweynaha ayaa Shacabka ree Jubaland iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo dagaalka Argagixisada si loo xaqiiiyo himilada Shacabka Soomaaliyeed ee ah inay Nabad iyo xasilooni ku noolaadan.

—–DHAMAAD——

Leave a comment

*

Archives
September 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online