Madaxweynaha Dowlada Jubaland oo ka tacsiyey dilkii Sh Shaafi Rabi Kaahin

September 11, 2020 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeey geerida ku timid Allah ha u Naxariistee Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Marxuum Shaafi Raabi Kaahin iyo muwaadiniinta kale ee ku waxyeeloowday qaraxa maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Waxaa Madaxweynahu uu Allah uga baryayaa in uu Naxariistii jano ka waraabiyo sidoo kalana dadka dhaawaca ah uu Caafimaad deg deg ah siiyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Shaafi Raabi Kaahin uu ahaa muwaadin dalkiisa iyo dadkiisa ugu soo shaqeeyay awood walba oo karaankiisa ah isla markana lasoo qaybsaday duruufo adag isagoo maanta naftiisa ku waayay u khidmaynta shacabka.

Wuxuu xusay Madaxweynahu in dhagarta Argagixisada iyo nacaybka ay u qabaan dadka Muslimka ah ay cadayn dhab ah ay u tahay sida ay maanta dadka Shacabka iyo Masuuliyiinta ah ee kasoo baxay Salaada Jimcaha ay ugu beegsadeen afaafka hore ee baydka ilahay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aanay Dhabaha ay dadka reer Jubbaland iyo guud ahaan ummada soomaaliyeed ku doonayaan inay Nabad iyo xasilooni helaan aanay ka leexin doonin falalka naf la caarinimada ah ee ay ku kacayaan Argagixisadu.

———DHAMMAAAD———

Leave a comment

*

Archives
September 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online