Madaxweynaha Gal-Mudug oo gaaray degmada Cadaado.[Video]

September 26, 2020 - Written by Editor

Dhuusamareeb:-Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray Degmada Cadaado Ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Maamulka iyo shacabka Degmadda iyo Xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda Galmudug.

Socdaalkan waxaa Madaxweynaha ku wehlinayay wasiirka arrimaha Gudaha, dib u heshiisiinta iyo Fedaraalka Cabdi Maxamed Jaamac Waayeel, iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Galmudug Cabdicasiis Nur.

Madaxweynaha oo goob fagaara ah kula hadlay dadweynaha ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta diirran, isagoona ku tilmaamay cadaado inay aasaas u tahay midnimadda Galmudug.

Madaxweynaha ayaa waxgaradka iyo hoggaanka dhaqanka ku dhiirogaliyay iney ka qeybqaataan dib heshiisiinta bulshada, isagoona reer Cadaado ugu baaqay inay hormuud u noqdaan nabadda iyo wada-noolaashiyaha sidii looga bartay.

Socdaalka madaxweynaha ayaa ku qotama adkeynta amniga iyo arrimaha dib u heshiinta. wuxuuna kulamo la qaadan doonaa laamaha kala duwan ee bulshadda.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online