Madaxweynaha Gal-Mudug oo la kulmay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

September 15, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa hadal-jeedin ka sameeyey kulan gaar ah oo ay iskugu yimaadeen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Aqalka Sare la wadaagay warbixin ku saabsan Xaaladda iyo howlihii ka qabsoomay Galmudug asagoona is dul taagay arrimaha Dib-u-heshiisiinta bulsho iyo Siyaasadeed, amniga iyo iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo shirarkii lagu marti geliyay Dhusamareeb loogana arrinsanayay arrimaha doorashooyinka qaran.

qaar kamid xubnaha guddiga joogta ah ee aqalka sare ayaa su,aalo weydiiyey madaxweynaha GM, isagoona si waafi uga jawaabay.

Kulankan oo uu shir guddoomiyey Guddoomiyha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/lahi, waxaan ka qeybgalay ku xigeenadiisa 1-aad iyo 2-aad, Xubnaha Guddiga joogtada ah iyo qaar kamid ah gollaha xukuumadda Galmudug.

Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

238,597 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>