Madaxweynaha Gal-Mudug oo safar ku tegay dalka Jabuuti.[Masawiro]

September 2, 2020 - Written by Editor

Dhuusamareeb:-Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta soo gaaray Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Waxaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Jabuuti si diirran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa masuuliyiin kala duwan oo ugu horreeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Jabuuti, wasiiro iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda Jibuuti, Danjiraha Jabuuti u fadhiya Muqdishu iyo masuuliyiin sare.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ah kusoo gaaray dalka Jabuuti halkaas oo uu shirar muhiim ah ku yeelan doono.

Xafiiska Madaxtooyada Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

251,104 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>