Madaxweynaha Jubaland oo Xubnaha Aqalka sare ee DFS la kulmay

September 6, 2020 - Written by Editor

Madaxweynaha dawladda Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta khudbad u jeediyay xildhibaanada Aqalka Sare ee baarlamaanka JFS.

Madaxweynaha ayaa xildhibaanada uga warbixiyay xaalada Jubaland isaga oo sheegay in wixii ka dambeeyay doorashadii madaxtinimada ee sanaddii 2018 ay Jubaland soo martay xaalado kala duwan isla markana dagaal dhinacyo badan ah kadib hada ay xaaladu soo hagaagayso.

Waxaa uu intaas ku daray madaxweynahu in khilaafkii ka dhashay doorashada xal laga gaaray isla markana ay hada si wanaagsan wax ku socdaan. Waxaa uu madaxweynahu hoosta ka xariiqay in wali isaga oo tix galinaya wax wada lahaanshaha iyo xasiloonida siyaasadda uu dib u dhigay dhismaha golaha xukuumadda Jubbaland.

Arimaha gobolka Gedo ayuu madaxweynahu sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in xal waara laga gaaro inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho iyada oo gacanta Jubaland lagu soo celinayo gobolka taasina ay fure u tahay in xal kama dambays ah laga gaaro khilaafka mudada dheer u dhexeeyay Jubbaland iyo dawladda federaalka ah.

Arrimaha doorashooyinka ayuu madaxweynahu sheegay in shirarkii Dhuusomareeb ay dadaal badan ku bixiyeen sidii go’aanno loo dhanyahay loo gaari lahaa balse ballamahii shirkii labaad ee Dhuusomareeb oo aan hirgalin iyo xaalado kala duwan oo is biirsaday ayna u tagin wajigii sadexaad ee shirkaas.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Muqdisho uu u yimid sidii xal kama dambays ah loo gaari lahaa isaga oo si gaar ah uga mahad celiyay sida Aqalka Sare uu ugu istaagay in siyaasadda laga heshiiyo.

Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya ah iyo dawlad goboleedyada maqan ayuu madaxwaynuhu ugu baaqay in laga wada shaqeeyo sidii labada aqal ee Baarlamaanka wada shaqayntooda looso celin lahaa.

Arrimaha maqaamka caasimada iyo matalaadeeda ayuu sidoo kale madaxwaynuhu tilmaamay in ay u baahantahay in si wadajir ah loogu istaago iyada oo ay tahay shaqo laga gaabiyay sidoo kalena aan waxba laga qabanin dib u eegidda sastuurka.

DHAMMAAAD.

Comments are closed.

Archives
September 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online