Madaxweynaha PL oo Khudbad kajeediyey kulan soo dhoweyn ah oo loogu sameeyay Muqdisho.[Video/Masawiro]

September 7, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa khudbad ka jeediyay kulanka soo dhoweyn ah oo loo sameeyay Madaxweynayaasha Dowladdaha Puntland iyo Jubaland.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay Xafladda soo dhoweynta ah, isagoo Madaxda kulanka joogay la wadaagay aragtida Puntland ee ku saabsan in ay dalka ka dhacdo doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda ku dhacda.

Kulanka oo ay soo diyaariyeen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Mudane Cali Mahdi, waxaa lagu soo dhoweeyay Madaxweyneyaasha Dowladdaha Puntland iyo Jubaland Mudane Siciid C/laahi Deni iyo Mudane Axmed Maxamed Islaam, waxaana ka qeybgalay Masuuliyiin ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, Xubno ka mid ah goleyaasha kala duwan ee Dowladdaha Jubaland iyo Puntland, Hoggaamiyeyaal Xisbi, Siyaasiyiin, Hoggaan dhaqan, Waxgarad, Ururo Bulsho iyo qeybaha kala duwan Bulshada Gobolka Banaadir.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
September 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online