Madaxweynaha Puntland oo Aqalka sare uga warbixiyey xaalada dalka.[Video/Masawiro]

September 3, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa warbixin ka horjeediyay kulanka Golaha Joogtada ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Aqalka Sare la wadaagay warbixin ku saabsan Xaaladda Puntland, dhinacyada amniga , Siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan shaqooyinka Dowliga ah iyo horumarka socda.

Sidoo kale Madaxweyne Deni wuxuu Aqalka Sare uga warbixiyey marxalada dalku marayo, Shirarkii Dhuusamareeb iyo dadaalka Dowladda Puntland ku bixinayso in ay Dalka ka dhacdo Doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda ku dhacda.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Xubnaha Golaha joogtada ah, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
September 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online