Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyey Geerida Guddoomiyii Rugta Ganacsiga Jubbaland

September 11, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Shacabka Puntland, iyo kan Goleyaasha Dowladda ayaa tiiraanyada la wadaagay shacabka Jubaland geerida naxdinta leh ee ku timi Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax ay argagixisadu soo maleegtey maanta, kaasi oo ka dhacay Kismaayo.

Madaxweyne Deni ayaa Alle SWC u waydiiyey inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo marxuumka, isaga iyo muwaadiniinta kale ee ku waxyeelowdey qaraxaasi, samir iyo iimaanna Alle kasiiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Jubaland, eheladii, qaraabadii, qayskii iyo asxaabtii, uu ka baxay marxuumku.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey intii dhaawacantay inuu u booga dhayo.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
September 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online