Madaxweynaha Puntland oo kulan xasaasi ah la qaatay Wasiiro, Xildhibaano

September 5, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan is xogwareysi ah la qaatay xubnaha Wafdigiisa ah ee ku weheliya safarkiisa Muqdisho oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa kala warqaadasho iyo is xogwareysi, waxaana uu Madaxweynuhu warbixin ka siiyey Wafdiga kulamadii uu yeeshay oo dhammaantood ku saleysnaa aragtida Dowladda Puntland ee ah in ay dalka dhacdo doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda ku dhacda.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Wafdiga iyo shaqooyinka dowliga ah ee ay qabteen, sida kulamadii qaar ka mid ah Wafdiga la yeesheen Wakiilada Beesha Caalamka oo looga hadlay arrimaha Puntland sida Nidaamka Diqmuraadiyadda, dib-u-habeynta Ciidamada, horumarinta hanaanka Maaliyadda, saameynta dhaqaale ee Covid19, arrimaha horumarineed ee Gobolada Sanaag, Sool iyo Ceyn iyo saameynta Ayuxu u geystay daaqa iyo beeraha.

= DHAMMAAD =

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Comments are closed.

Archives
September 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online