Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.[Masawiro]

September 22, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Filish”.

Guddoomiye Cumar Finish ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ku bogaadiyey doorkii muhimka ahaa ee uu ka qaatay in la go’aamiyo doorashada dalka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay maamulka Gobolka Banaadir iyo Dadweynaha Muqdisho soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.
Dhinac kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa hoyga uu Ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo hadda ah Maareeyaha Guud Wakaaladda horumarinta Soomaaliyeed.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

243,973 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>