Madaxweyne Farmaajo oo Kulan la qaatay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

September 10, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan qado sharaf ah ku maamuusay Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo si wada jir ah uga qeyb gali doona Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

Kulankan qado sharafeedka ah oo ay ka soo qeyb galeen Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa hordhac u ah Shirka dhammeystirka qodobbadii ka soo baxay Samareeb-3 oo furmi doona 12-ka bishan.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
September 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online