Qarax lagu dilay Sh Shaafi Raabi Kaahin oo ka dhacay Kismaayo

September 11, 2020 - Written by Editor

Kismaayo:-Allah unaxariistee Waxaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray qof naftii halige ah uu la beegsaday Sh Shaafi Raabi oo ahaa Gudoomiyihii Rugta Ganacsiga ee Jubbaland xil uu ka oo baxay baxay Masjid uu ku Tukaday Salaadi Jimco ee Maanta.

Qofka naftii Haligaha ah oo isku soo xiray walxaha Qarxa ayaa isku qarxiyey Gudoomiyihii Rugta Ganacsiga ee Jubbaland Sh Shaafi Raabi Kaahin qaraxuna waxaa uu ka dhacay inta u dhexeysa Isbitaalka Magaalada Kismaayo iyo Masjidka Jaamac Qadiim.

Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland ayaa waxaa ku dhintay ilaa 3 qof oo ku jiro qofka is qarxiyey waxaan ku dhaawacmay 10 qof oo shacab ah oo ka soo baxay Masjidka Jaamac Qadiimka oo ay ku soo tukadeen salaadii Jimce.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ka tacsiyeyy geerida Gudoomiyihii Rugta Ganacsiga ee Jubbaland Sh Shaafi Raabi Kaahin oo ka mid ahaa haldoorka magaalada Kismaayo waxaa la filayaa in sacadaha soo socda uu magaalada Kismaayo si deg deg ah ugu soo laabto Madaxweynaha Jubbaland.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

238,596 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>