Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo booqasho ugu tegay Madaxweyne Deni.[Masawiro]

September 4, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid C/laahi Deni oo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu kulmo gaar gaar ah la yeeshay Siyaasiyiin , Xildhibaano iyo xubno ka tirsan Golaha wasiirad dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa caawa waxaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

Kulanka caawa dhexmaray Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu ahaa salaan, booqasho , is waraysi xaalada dalka Soomaaliya.


Dhinac kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa waxaa kale oo hoyga uu ka deganyahay magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland oo hadda ah Safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Xildhibaan Fowsiyo Yusuf Xaji Aden iyo Ridwaan Xirsi Maxamed oo labaduba hore u soo noqday Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan
.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

251,104 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>