Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Guddoomiyey Shirka Todobaadlaha Ah Ee Amniga

September 29, 2020 - Written by Editor

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida iyo laamaha amniga G/banaadir ayaa la wadaagay qorsheyaasha lagu dardar-gelinayo ammaanka, dhammeystirka dib-u-habeynta ciidamada iyo dagaalanka argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u soo bandhigay Taliyeyaasha Ciidamada ee uu la kulmay mudnaanta uu siinayo xasilinta amniga guud ee dalka iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Laamaha amniga ayuu  xasuusiyey   Ra’iisul Wasaaruhu waajibka ka saaran ilaalinta nabadgelyada iyo fududeynta dhaqdhaaqa bulshada, iyagoona sii xoojinaya dadaallada lagu xaqiijinayo xasilinta caasimadda.

“Waxaan idin ku  adkeynayaa in aad sii labanlaabtaan hawshii wanaagsaneyd ee aad horey usoo waddeen, lana timaaddaan dadaal dheeri ah oo aad si buuxda ugu fulinaysaan qorshaha amni ee xilliga doorashada.”

Kulanka oo ay ka qayb galeen siihayaha Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka iyo  xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ayey  dhankooda  sheegeen guddiga amniga in ay sii dardar-gelin doonaan qorshahooda ku addan amniga iyo  la dagaalanka argagixisada.
—Dhamaad—

Comments are closed.

Archives
September 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online