Wasaaradaha Maaliyadda & Dekedaha Puntland oo ku mashquulsan Dhoofinta Xoolaha Dekada Boosaaso.[Masawiro]

September 5, 2020 - Written by Editor

Boosaaso-Madaxda labada Wasaaradood ee Maaliyadda iyo Dekedaha ayaa ku mashquulsan dhoofinta xoolaha ka amba baxaaya Dekeda boosaaso.

Caawa galinka dame ayaa lafilaayaa in uu dekada ka dhoofo Markab sida 25,000 labaatan iyo Shan kun oo geela.

Markabkan ayaa xoolaha uu sido gayn doona dalka Sucidiga sida ay Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda u sheegeen qaybo ka mid ah masuuliyiinta labada Wasaaradood.

Dekeda boosaaso waxaa kormeer shaqo ku tegay Wasiirku- xigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdi Ibraahim Ibraahim Warsame, Wasiirku- xigeenka Dekedaha Yaasiin Cartan, Taliyaha Ciidamada Dekeda Cornel Maxamed Cali xaashi,Maamulaha furdada Maxamed Yuusuf iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda.

Wasiirku- xigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdi Ibraahim Warsame iyo Wasiirku- xigeenka Dekedaha Mudane Yaasin Cartan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in labada Wasaaradood ay ka go’an tahay sidii ay Ganacsatada Soomaaliyeed ugu shaqayn lahaa yeen.

Waxaa xusid mudan in qaybaha kale ee Dekeda ay ku xiran yihiin Doonyo u diyaarsan in ay xoolo u qaadaan wada isutaga Emiradka.

Dekeda boosaaso waa isha dhaqaalaha Dawladda Puntland waana mid ay si isku mid ah u adeeg sadaan Bulshada Soomaaliyeed.

Baahintii

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
September 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online